TAARIIKHDA GENERAL MAXAMED SIYAD BARRE
Taariikh
Taariq nololeedkii Maxamed Siyaad Bare iyo xiligii uu ku soo biiray Ciidanka
Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre oo yaraantiisiahaaa wiil yar oo reer baadiye ah ayaa markii ugu horeysay waxuu yimid Degmada Dhuuso Mareeb, wuxuuna uga sii gudbay magaalada Beledweyne, wuxuuna nasiib wanaag la kulmay askar halkaa lagu qoraayay oo uu ka mid noqday dadkii ciidamadii dhibowga 1936-dii ku galay xerada tababarada ee Beledwenye.
Max’ed Siyaad Bare Markii tababarki uu dhamaaday waxaa loo soo bedelay Magaalada Muqdisho, waxaana la keenay si uu tababaro dheeri ah oo ciidanimo ugu sii qaato Xeradii Ciidamada ee ku taalay degmada Xamar Jajab ee Magaalada Muqdisho. Max’ed Siyaad Bare wuxuu ka tagay howshii ciidanimada 1939-kii, kaddib markii loo soo sheegay geeridii laba adeeradiis ah oo kale ahaa Jaamac Bare iyo Maxamed Bare wuxuuna aaday deegaanka Ulasan ee ka tirsan Degmada Dhuuso Mareeb oo cidiisu degenaayeen.
Max’ed Siyaad Bare miyiga ayuu degey wuxuuna ku guursaday Xaaskiisii ugu horeeysay oo lagu magacaabo jiray Faadumo Aw-Muse Sanadkii 1941-dii markaas oo uu Ingiriisku kala wareegay awoodii dalka Soomaaliya Taliskii Talyaaniga oo dagaalkii aduunweynaha labaad looga itaal roonaaday. Max’ed Siyaad Bare isla sanadkaas wuxuu ku biiray Ciidamada Ingiriiska, wuxuuna dalacaadii ugu horeysay oo aheyd Alifle helay Sanadkii 1941-dii, Alifkii labaadna wuxuu qaatay Sanadkii 1944tii, waxaana waxbarasho loogu diray Magaalada Nairobi Dugsiga la yiraahdo
“Gin School” waxaana tababarkaas kaddib uu noqday kormeere Koowaad 1950-kii. Markii Talyaaniga Dalka uu ku soo noqday, Max’ed Siyaad Bare oo saddex xarigle ah waxaa loo qaaday dalka Talyaaniga sanadkii 1952-dii .
16-kii October, 1954-tii ayuu Siyaad Bare qaatay Xidigtii ugu horeesay uuna noqday Sarkaal. Siyaad Bare wuxuu laba xidigle u dalacay sanadii 1955-tii asigoo sanadki 1957-dii noqday kabtan ama Dhamme kaddib 1958-dii waxaa uu Max’ed Siyaad Bare noqday Dhamme ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. waxaana loo magacaabay Xafiiska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
1960-kii, waxaa la dhisay Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya uuna hogaaminaayay Generaalkii sida aadka ah loo jeclaa Generaal Daauud C/laahi Xersi oo markii uu geeriyooday sanadkii 1965tii uu bedelay oo jagadiisii qabtay General Max’ed Siyaad Bare asigoo noqday taliyihii Xooga Dalka Soomaaliya (XDS) isagoo xukunka hayay mudo 21 sano ah, wuxuuna ku geeriyooday Dalka Nigeria oo uu magangalyo ku joogay ilaa iyo sanadkii 1995-tii.
Lama yaqaan waqti cayiman oo uu dhashay General Max’ed Siyaad Bare, sababtoo ah wuxuu ku dhashay MIYI, xataa waxaa dood ka taagan tahay halka uu ku dhashay inkastoo warbaahinta rasmiga ah ee Kacaanku ay qori jireen inuu ku dhashay deegaanka Baardheere. Waxaa la qiyaasayaa in Max’ed Siyaad Bare uu dhashay sanadkii 1912-kii in kastoo wargeysyada rasmiga ah ee Kacaanku ay qori jireen inuu dhashay sanadkii 1920kii.
Max’ed Siyaad Bare hooyadiis waxaa la oran jiray Shaqlan Warfaa, waxeyna geeriyootay asagoo sideed jir ah, aabihiisna wuxuu geeriyooday 2 sano kaddib Max’ed Siyaad Bare oo 10 jir ah, waxaana soo koriyay aderkiis Xirsi Bare iyo ayeeydiis Sacdiyo, wuxuuna ahaa curudka aabihiis Siyaad Bare oo lagu naaneesi jiray “Siyaad Garba Weyne”, inkastoo ay dadkii yaqaanay Max’ed Siyaad Bare ay sheegeen in aabihiis Siyaad Bare lagu dilay dagaal qabiil uuna ahaa abaanduulihii colkaas. Waxaa Radio Muqdisho iyo Wargeysyada Kacaankuba ay qori jireen in uu Siyaad Bare ahaa halgamaa weyn uuna ka mid ahaa Ciidamadii uu hogaaminaayay Cumar Samatar oo gumeysigii Talyaanigu la dagaalamayay una ku shahiiday aagga Ceel Mirikh oo ku yaalo deegaanka Dhuuso Mareeb 1930-kii .
Xersi Bare oo ahaaa Max’ed Siyaad Bare adeerkiis, ahana ninkii gacanta ku haayay waxaa la dilay 3 sano ka dib dhimashaddii Siyaad Bare abaarihii sanadkii 1933-dii.
Sanadkii 1936-dii ayaa Max’ed Siyaad Bare ka soo tagay Xoolihii MIYIGA oo uu xanaaneyn jiray iyadoo xilgaas cidahooda ay degenaayeen aaga Ceel-gaab.
Sanadihii Hore
Jaale Maxamed Siyaad Barre wuxuu 1919kii ku dhashay tuulada Shilaafo ee gobolka Soomaali Galbeed ee ku dhaqan maanta wadanka Itoobiya. Jaaluhu wuxuu ka soo jeedaa beesha Mareexaan ee Daarood, gaar ahaan lafta reer Diini.[1][2] His parents died when he was ten years old.[2] Waalidkiiswaxay dhinteen isaga oo toban jir ah.
Ka dib markuu dhamaystey waxbarashodiisadugsiga hoose magaalada Luuq ee koonfurta Soomaaliya, ayaa Mudane Barre u wareegay magaalada Muqdisho oo ahayd magaalo madaxdii maamulkii Soomaali Talyaani, si uu u sii kordhisto waxbarashadiisa oo dugsi sare u galo asaga oo wakhtigaasi sheegtay inuu ka soo jeedo magaalada Garbahaarey.[2] [1]Sanadihii ku xigey Siyaad Barre waxaa u suurto gashay in loo qaato askari darajo sare oo Ciidanka Amaanka ah taasi oo ku beegan sanadkii 1940kii.[3] Goortii ay Koonfurta Soomaaliya hoos tegtay maamulkii Boqortooyada Ingiriiska ayaa wuxuu ka gaadhay ciidanka xooga darajadii ugu sareeysay ee nin Soomaali ah gaadho wakhtigaasi.[2]
Sanadihii 1950kii, markii Qaramada Midoobayla wareegtay maamulka iyo gacan ku heynta dhulka Soomaaliya ayadoo u wakiilatay dowlada Talyaaniga ayaa Jaale Maxamed Siyaad Barre u helay fursad deeq waxbarasho ku saabsan ciidanka inuu u tego wadanka Talyaaniga halkaas oo uu ku sugnaa wakhti labo sano ah.[2] Goortii uu ku soo noqdey dalka Soomaaliya wuxuu noqdey ku xigeenka hogaamiyaha sare ee Ciidanka Xoogahalkaasi oo uu sii hayay ilaa wakhtigii wadanku xornimada qaatey sanadkii 1960kii. Tabobaro iyo dhoolatusyo milatari uu la qaatey saraakiil ka tirsan ciidanka xooga Midowga Sofiyet ayaa Jaale Siyaad ku beertay inuu u ololeeyo nidaamka shuuciga ahaa ee loo yaqaaney Marsiisam. Sidoo kale wuxuu si adag u aaminsanaa wadaniyad iyo mideeynta Shanta Soomaaliyeed.
Qabsigii Xukunka
Sanadkii 1969kii ayaa dil shirqool ah loo geeystay madaxweynihii dalka haystey Cabdirashiid Cali Sharma'arke, taas oo buuq iyo is af-garanwaa ka dhex dhalisey madaxdii sare ee wadanka Soomaaliya ayagoo isku afgaran waayay cida xilka la wareegi lahayd iyo maamulka. Maalintii ku xigtey aaskii Madaxweyne Sharma'arke oo ku beegnayd 21kii Oktoobar ayaa ciidanka xooga oo uu hogaaminayo Jaale Siyaad Barre iyo rag kale ayaa afgambi si lama filaan ah ku qabsadey wadanka. Jeneraal sare Salaad Gabeyre Kediye iyo Hogaamiyaha sare ee ciidanka amaanka Jaamac Korshel ayaa ka mid ahaa raga safka hore kaga jirey ee suurtogeliyey in afgambigu si guul ah ku dhaco. Mudane Kediye wuxuu ahaa oo lagu magacaabayay "Aabaha Kacaanka" in kastoo wakhti yar ka dib uu Jaale Siyaad kala wareegay magacaasi oo asagu noqdey aabaha kacaanka iyo hogaamiyaha ugu sareeya ee Kacaanka Umada Soomaaliyeed.[4]
Isla markiiba kacaanku wuxuu magaca wadanka ka dhigey Jamhuuriyada Dimuqraadiga Soomaaliya,[5][6] waxay xadhig u taxaabeen dhamaan xubnihii ka tirsanaa dowladii hore ee Cabdirashiid Cali Sharma'arke, ila markaana waxay mamnuuceen xisbiyo siyaasadeed in laga sameeyo wadanka kuwaasi oo la tartami kara xisbiga kacaanka.[7] Waxaa intaasi dheerayd oo xisbiga kacaanku si dhakhso ah u bedelay xubnihii baarlamaanka iyo maxkamada sare ee wadanka, isla markaana waxaa xisbia kacaanku ku dhawaaqey in dastuurkawadanku xaniban yahay intii wakhti ah ee dib u habayn lagu sameeynayo, taasi oo wakhtigaasi wadanka lagu maamulaayey dastuur ku meel gaadh ah oo xisbiga kacaanku leeyihiin.[8]
Madaxweyne Siyaad
Wakhti yar xukunka iyo hogaaminta Xisbiga Kacaanka Umada ayaa Jaale Siyaad Barre wuxuu qaatey magaca Guulwade asagoo isku fidiyey maamulka iyo hogaanka dowlada cusub ee markaasi taaboqaadeysay. Astaamo sawiro iyo sanamyo Guulwade Siyaad, Karl Marx iyo Lenin ayaa isla markiiba lagu sharaxay laamiyada magaalo madaxda wadanka ee Muqdisho, midaasi oo astaan iyo cadayn u ahayd nidaamka cusub ee xisbiga kacaanku ku soo dabaqayo wadanka.[9] Sidoo kale wuxuu soo bandhigey nidaamyo cusub oo sharciyo hanti-wadaag ah kuwaasi oo ku salaysan Quraanka, fikrada shuucinimada ee Marsiisamka iyo qadiyad qoto dheer oo wadaniyad iyo Soomaali jeceyl.
Golaha Sare ee Kacaanka
Golaha Sare ee Kacaanku wuxuu si dhakhso ah u sameeyay mashruucyo bulsho oo aad u horumariye magaalooyinka iyo baadiyaha, kuwaasi oo iskugu jirey olole waxbarasho iyo iska-wax-u-qabso dhismooyin ceelal, biyo-xidheeno, beero waawayn, laamiyo, jidad waawayn, dugsiyo, cusbitaalo, goobo bulshu iyo kuwo kale oo badan. Dadaalkaasi wadanka dhiska ah waxaa dhex socotay wacyigelin wadaniyad iyo qadiyad ah mideeynta shanta Soomaaliyeed oo la dhex wado in wadanka la warshadeeyo. Sidoo kale wakhtiyadan ayay dowlada Soomaaliya ku biirtey ururka Jaamacada Carabta oo aanay horey xubin uga ahayn. Intaasi waxaa dheer in sanadkaa 1974kii Guulwade Maxamed Siyaad Barre in uu noqdey hogaamiyaha sare ee ururka Midowga Afrika xilkaasi oo uu hayay mudo dhowr sano ah.[2] [10]
Bishii Luuliyo 1976dii ayaa xisbigii Guulwade Siyaad Barre baabi'iyey Golihii Sare ee Kacaanka midaasi ooy ku bedeleen Xisbiga Kacaanka Umada Soomaaliya|, midkaasi oo ku salaysnaa fikrada ah hal dowlad oo wadanka ku maamusha sharciga bulshada iyo diinta Islaamka, midaasi oo qorshuhu ahaa in a la is waafajiyo dhaqanka bulshada reer guuraaga ee Soomaaliyeed iyo nidaamka Shuuciga isla markaana meelo badan laga soo xigto kitaabka Quraanka.
Xisbiga Kacaanka Umada Soomaaliyeed wuxuu ku dhawaaqey sinaan, cadaalad, horumarka bulshada, wax-wada-qeybsi iyo horay u socod.[8] Sanadkii 1979kii ayaa xisbiga kacaanku wuxuu qabtey doorasho Golaha Bulshada ah si loogu codeeyo dastuuriyo sharciyo cusub ooy keeneen. Si kastaba ha ahaatee waxanka waxaa talada ugu sareeysa mar kasta lahaa oo ugu awood badnaa Xibiga Kacaanka Bulshada oo Guulwade Maxamed Siyaad Barre hogaamiye u ahaa.[6] [8]
Wadaniyad iyo Soomaali Weyn
siyasadii kacanka somaliya wafashilantay markii rushkii aay ku tirsanayd ka hortimid,sida laga warqabo somalida waqtigas waxa gacanta ku hayey wadamada,hanti wadaga oo rushuku ugu horeyo,markii wadamadii aay ku tirsanayd aay ka hortimid somalidu waxay ugurtey wadamada reer galbedka,kuwas oo somalida ucilqabay,taso ka dhalay shuciyada somalidu dhexgashay,markii wadamada rer galbedku somalida xirirkodi hore solabtay shiciyadina mesha kabaxaday,waxa dhacday in wadanka siyasadisa sikale isu badashay,waxay so jediyen in wadanka dorasho xor ah ka dhacdo oo laga boxo xisbi kaliya,ama madaxweynaha shaqada ka faristo,arinasi ma suro galin,duqina xilkii wa laga fujin wayey oo qolyihi rer galbedka waxay sameyen in wadanka la-afgabniyo oo xilka wadanka uu qabto qof aay siyasadisa reer galbedka ujanjerto,hase yeshe arinatsi sikale ayey noqotay,somaliya waxay isu badashay dagal sokeye oo dabo dheraday,oo waxa la'oran kara galadii waxay ku fashilmen waxii aay somaliya ladonayen oo waxay qaday wado khaldan oo aan lagu tala galin,ila wadamadi somalalya afganbiyey ee reer galbedka laftigodi ku halagsamen oo dad badan uga dhintay khiyamadii aay galen aay larogmatay.
Comments
Post a Comment