TAARIIKHDA GENERAL MAXAMED FAARAX CAYDIID
Dhanka Ciidmadda Iyo Xilaalkii UU SOO QABTEY (Military Academy)
Wuxuuna ka qaatay Diploma. Wuxuuna ku bartay Cilmiga kala duwan ee Militariga (Military sciences), wuxuuna noqday Sarkaal Militari, Maadaama marka uu dalka ku soo noqday la Baabi’iyay militarigii talyaaniga ee ka jiray dalka, wuxuu ku biiray ciidanka Booliiska, darajadiisuna waxay aheyd labo xiddigle.
1956–1956: Wuxuu qaatay tababar- howlaha ciidanka, Mogadishu, Somalia.
1956–1960: Military academy- Cesano, Roma, Italy. Wuxuu ku soo qaatay tababarka Hogaaminta Ciidamada, wuxuuna ka qaatay Diploma.
1963–1966: Akademiyada sare ee Istaraatiijiyada dagaalka iyo hoggaaminta (Frunze Academy- USSR), wuxuuna ka qaatay Diploma. WAAYO ARAGNIMADII SHAQO (EXPERIENCE
1957–1958: Taliyaha Saldhig Boolis ee Degmada Bakool, Gobolka Xudur.
1958:(Janaayo–Disembar) Taliyaha Qeybta ciidanka ee ee Gobolka Banaadir.
1959:Taliyaha Qeybta ciidanka ee Gobolka Jubbada Hoose.
1960:(1-da Luuyo) wuxuu ahaa sarkaalkii hoggaaminayay ciidankii saaray calanka Soomaaliyeed, dejiyayna calankii Talyaaniga saqdii dhexe.
1960–1962: Wuxuu noqday Taliyaha Tababarka Dhexe ee Ciidamada Xooga- Forte Bottego (Hadda Dugsiga Tababarka Xalane).
1962–1963:Wuxuu noqday Taliyaha Hawl gelinta, Tababarada iyo Sahanka ee Xoogga dalka Soomaaliyeed.
1963–1966: Wuxuu noqday Wakiilka Ciidamada Soomaaliyeed u fadhiya dalka Ruushka (USSR).
1966–1968: Wuxuu noqday Taliyaha Hogaanka abaabulka iyo hawl gelinta.
1968 – 1969: Wuxuu noqday Abaan duulka Xoogga dalka Soomaaliyeed ee Qeyta Waqooyi.
1969–1975: Wuxuu ahaa Maxbuus siyaasadeed wuxuuna ku xirnaa Xabiska Mandeera.
1975 – 1977: Wuxuu noqday Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Aspiima.
1977:Wuxuu noqday Xoogga dalka Soomaaliyeed, wuxuuna noqday Taliyaha Tababarada Militariga ee Xarunta Hiilwayne, ilaa
1978.1978:(Febraayo Ilaa Maarso) Wuxuu noqday Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ee gobollada waqooyi.
1978–1982: Wuxuu ahaa la taliyaha Madaxweynaha Arrimaha ciidamada iyo Ammaanka.
1982–1984:Wuxuu ahaa Taliyaha Guud ee Hawl-gelinta ciidamada Gobollada Waqooyi iyo Gobollada Dhexe.
1984 – 1989: Wuxuu ahaa Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Hindiya.
1990:Wuxuu iska casilay Xilkii Safiirnimada.ee uu u hayey somalia
DHAQ-DHAQAAQYADIISII SIYAASADEED
1989–1991: Wuxuu ka mid ahaa odayaashii dhisay urukii xaq u dirirka ahaa ee U.S.C waxuuna ka xoreeay dadka Soomaaliyeed dhiig ya cabkii Siyaad Bare. 1992:Wuxuu dhisay Isbahaysi la magac baxay Somali Liberation Army, (SLA)oo ay ku bahoobeen Garabyada hubeysan ee ururrada kala ah sida: USC, SPM, SSNM, SDM, SAMO iyo SNU laguna dhisay Baardheere.
1992–1993:Wuxuu dhisay Isbahaysiga Somali National Alliance (SNA) oo ay ku bahoobeen Ururada siyaasadeed oo kala ah: USC, SPM, SDM, SSNM, SAMO iyo SNU, waxaana loo doortay Guddoomiyaha isbahaysiga SNA.
1992–1994:Wuxuu hoggaaminayay iska caabinta shacabka Soomaaliyeed ee ka soo horjeeday Siyaasaddii guracaneyd ee US-UNISOM ee ugu dambeyntii laga guuleystay dalkana laga saaray.
1994–1995:Wuxuu abaabulay Shirweyne Nabadeed gaar ahaan gobollada Waqooyi Bari, Gobollada dhexe iyo gobollada Koonfureed ee lagu qabtay Caasimadda Muqdisho.
Shirkaas nabadeed wax alaale wixii qarash ahaa eek u baxay waxaa bixiyay Isbahaysiga SNA, ee uu guddoomiyaha ka ahaa General Maxamed Faarax Caydiid.
BUUGAAGTA UU QORAY: (PUBLICATIONS)
- 1988:Wuxuu qoray (The Manifesto New United Somali Democratic Organization) (NUSDO).
- 1989: Wuxuu qoray: Democracy in Somalia- Its roots and its future.
- 1989:Wuxuu qoray:Recent up rising of Somali people.
- 1988:Wuxuu qoray: he preferred future development for Somalia.
- 1988:Wuxuu qoray:The revival Somali History, Culture and Civilization.
- 1989:Wuxuu qoray:The latest Deceitful move by the Dictator Siad Barre (Pamphlet).
- 1989:wuxuu qoray:Somali and Ethiopia iyo War Plane Manual.
- 1983:Wuxuu qoray:The Harbinger of hope in Somalia (A brief profile)
Iyo maqaallo kale ee badan oo ku saabsan arrimaha Soomaaliya iyo Xiriirka ay la leedahay Dawladdaha deriska ah iyo adduunweynaha.
Comments
Post a Comment